KAMPALA (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar ku saabsan ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh dhawaan ula soo kulmay Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Mosaeni iyo wixii ay ka wada hadleen .

Wararku waxay tilmaamayaan in Madaxweyne Xassan si gaar ah uu ugala hadlay madaxweynaha Uganda arimo ku saabsan howlgalka cusub ee dhawaan Somalia ka bilaabanaya kaasoo badalaya howlgalkii Atmis xili ay jiraan caqabado ku horgud-ban howlgalkaasi.

Advertisement

Wararka soo baxaya waxay sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu helay xog sheegeysa in Ra’iisulwasaaraha Itoobiya uu kala hadlay Madaxweynaha Uganda inuu diido qorshaha Dowlada Somalia ee ah in Ciidamada Uganda la geeyo Gobolada Somalia ee xuduuda la leh Itoobiya taasina ay Uganda ku qiimeyneyso xiririka kala dhexeeya Itoobiya.

Sidoo kale Itoobiyaanka ayaa gudaha dalkeena gaar ahaan maamul Goboleedyada qaarkood kala hadashay inay codsadan in Itoobiyaanka ay rabaan oo aysan askar dalal kale aqbalayn sida maamulka Koofur Galbeed.

Madaxweyne Xasan si uu uga hortago qorshaha Itoobiya ayuu Madaxweynaha Uganda kala hadlay arimahaan waxayna Uganda balan qaaday inay ku shqeyn doono rabitaanka Soomaaliya oo aysan ogol yihiin meel kasta oo Dowlada Somalia u dirto ciidamadooda inay ka howlgalaan.

Inkastoo markii hore Dowlada Somalia Itoobiya u diiday howlgalka cusub inay qeyb ka noqdaan hadana waxay ogolaatay balse shuruud ayaa lagu xiray taasoo ah inaysan ka howlgeli doonin gobolada xuduudka ku yaal oo ay inta badan garabka ku siiyaan maamul Goboleedyada halkaasi ka jira gaar ahaan kuwa Dowlada ka soo horjeeda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here