MAHADAAY (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Alshabaabkii badan oo ka soo cararay dagaalada Hiiraan ku heystay maalmihii ugu dambeeyay ay soo galeen deegeeno ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe oo xad la leh gobolka Hiiraan.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxaa la soo sheegayaa inay soo gaareen deegaano hoos taga  degmada Mahadaay ee Gobolka  Shabeelaha dhexe halkaasoo u badan dhul howd ah aadna ay u adag tahay in laga saaro Alshabaab.

Advertisement

Deegaanada Mahadaay hoos taga qaarkood hore markii Alshabaab looga saarayay  sanadkii hore dhib aad u weyn ayaa laga maray waxaana ku baxay ciidamo badan oo Dowlada Somalia ka tirsan iyo kuwa deegaanka ee macawisleyda loo yaqaan.

Dagaalamayaashaan Alshabaab ee ka soo cararay dagaalada Ciidamada Dowlada iyo kuwa macawisleyda Hiiraan ay ku hayaan ayaa hada lagu arkay iyagoo raxan raxan u socda oo soo gaaray deegaano ku teedsan wabiga mara Degmada Mahadaay iyo Tuulooyinka ku dhaw dhaw.

Dhanka kale Saraakiisha ciidamada Dowlada ee Degmada Mahadaay  lama oga diyaar garowgooda ka hortaga kooxdaani inta uu gaarsiisan yahay waxaase wararka qaar sheegayaan inay hada isu diyaarinayaan ka hortaga dagaalamayaasha ka soo firxaday dagaalada Gobolka Hiiraan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here