Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan sheegay inaysan jirin cid awood u leh inay dadka reer Qasa ka saarto dhulkooda la burburiyay, islamarkaana dalal kale ugu masaafiriso.

Hadalka uu madaxweyne Erdogan ka yiri gegiga diyaaradaha magaalada Istanbul, asagoo ku sii jeedday dalka maleesiya ayaa ku soo beegmaya xilli dunida Muslimka ay si weyn u diidan tahay qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku doonayo doonayo in lagu barakiciyo dadka ku nool marinka Qasa.

Advertisement

“Waxaan jeclaan lahaa in aan si cad u sheego in soo jeedinta ay soo bandhigeen maamulka cusub ee Maraykanka ee ku saabsan Qasa kuma jiraan wax qiimo ah oo tixgelin ama ka doodis mudan aragtidayada,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Maamulka Trump ayaa wada qorshe ay dunida Islaamku si weyn u diidantahay oo ku saabsan mustaqbalka marinka Qasa, ayadoo Trump uu saacado ka hor sheegay inuu doonayo inuu iibsado guud ahaan Qasa,ka dib qeybo kamid ah uu dalal kale siin doono.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here