May be an image of 1 person, dais, newsroom and textADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Wasiirka gaadiidka Dalka Itoobiya Dr Alemu Sime ayaa si weyn uga hadlay isbaarooyinka badan ee lacagaha looga qaato gaadiidka safarka ah ee isaga dhex goosha Gobolada ,degmooyinka iyo tuulooyinka.

Wasiirka wuxuu soo jeediyay  in la qaado isbaarooyinkaasi badan ee dadka shacabka ah lagu dhibaateynaayo.

Advertisement

Shirweynihii Xisbiga Barwaaqo ee talada dalka haya ayuu Wasiirku sheegay lagu soo qaaday lana qorsheeyay in dhamaanba la qaado isbaarooyinka.

“isbaarooyinka waxaaba loo dhigtay siddii xifaaltan oo kale, magaalo-magaalo iyo Degmo-Degmo ayaa loo xidhay keellayo qalad ah.

Dr Alemu Sime mar uu ka hadlaayay saameynta ay reebi karaan isbaarooyinkaan ayuu ku sheegay inay xayiraad ku keentay ganacsigii iyo allaabihii dhexmari lahaa magaaloyinka dalka.

Sidoo kale isbaarooyinka waxay keeneen ama sabab u noqdeen sicir barar xad-dhaafa.

Wasiirka Ugu dembayn wuxuu Deeganada iyo hay’addaha Federalka faray inay go’aankan fuliyaan oo meesha laga saarro isbaarooyinka faraha badan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here