Ankara | Febraayo 08, 2025 Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku sharfay Dowladda Soomaaliya taageerada wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii 6-dii Febraayo, 2023.

Munaasabad lagu xusayay sanadguuradii labaad ee ka soo wareegtay dhulgariirka oo lagu qabtay Gobolka Adiyaman, ayaa Madaxweynaha Turkiga wuxuu u mahadceliyay Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay inay mar walba garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Turkiga.

Madaxweynaha ayaa salaan u diray Madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabka Soomaliyeed.

Advertisement
Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Cabdirixiin Maxamuud ayaa Madaxweynaha Turkiga ka guddoomay biladda Xasuusta, isagoo uga mahadceliyey taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ay la garab taagan tahay dalkiisa iyo sidii looga hortagi lahaa dhibaatadii ka dhalatay isbadalka Cimiladda.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here