Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Shiikh Muqtaar Roobow Cali oo qeyb ka ahaa shir jaraa’id oo qaar kamid ah Golaha wasiirradu ay qabtaan, islamarkaana ku saabsanaa la dagaalanka Alshabaab ayay wariyaashu weydiiyeen su’aal ahayd maadaama qudhiisu uu kooxdaas muddo dheer ka tirsanaa sida ka bixitaankiisu sharci u noqday.

Wasiirka oo weydiintaas ka jawaabayay ayaa yiri” anigu mar hore ayaan toobad keenay, haddana waan ku celinayaa ee dhagaysta”, wuxuuna intaas ku daray inuu horay ula dagaalamay kooxdaas, ka dib markii uu ka baxay.

Advertisement

Muqtaar Roobow ayaa sanado badan kamid ahaa hoggaamiyaasha ugu sarreeya kooxda Al-Shabaab, balse hadda wuxuu kamid yahay Wasiirrada ugu muhiimsan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuuna safka hore uga jiraa mas’uuliyiinta  la dagaalanka kooxdaas waayo-aragnimada gaarka u leh.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here