Maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegay inay cuna-qabatayn saarayaan maxkamadda dambiyada Adduunka ee markii mageceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno ICC.

Cunaqabteyntan ayaa isugu jirta xayiraad dhaqaale iyo fiisooyinka shakhsiyaadka iyo qoysaskooda maxkamadda ka caawiya baaritaannada oo la xannibayo, waxaana tillaabadan loo arkaa mid lagu taageerayo Israa’iil oo madaxdeeda ICC ay dhowr amartay in la soo xirayo, sababa la xariira gumaadkii ay ka geysteen marinka Qasa iyo dalka Lubnaan.

Advertisement

Dalal badan oo ay ku jiraan Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo kuwa kale ayaa taageero u muujiyay maxkamadda, ka dib markii uu maamulka Trump ku dhawaaqay cuna-qabatayntan, waxayna sheegeen in ICC ay tiir muhiim ah u tahay caddaaladda caalamka.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human rights watch ayaa cuna-qabatayntan ku tilmaamtay hadiyad la siinayo dembiileyaasha dunida, iyo kuwa geysta xadgudubyada baahsan, waxayna dalalka dunida ugu baaqday inay maxkamadda taageero xooggan la garab istaagaan.

Trump oo muddo bil ka yar xaafiiska jooga ayaa qaadaya tillaabooyin iyo go’aamo la yaab leh, kuwaas oo dunida lama filaan ku noqday, islamarkaana xittaa xulafa ugu dhow Mareykanku ay ka soo horjeesteen.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here