Sheekh Usuuli oo ka mida Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo wareysi siiyay TV-ga Universal ayaa wax laga weydiiyay su’aalo ay ka mid ahayd inuu Dowladii Farmaajo ka soo horjeeday hadana uu Dowlada Xassan taageersan yahay.

Shiikha ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray inuu mucaarad ku ahaa Dowladaasi wuxuuna carabka ku adkeeyay in Dowladii Farmaajo uu dhaliil u soo jeediyay oo kaliya markii uu ku darsaday 2 sano oo dheeraad ah balse uu ka hor taageersanaa.

Advertisement

Shiikha ayaa xusay in diiniyan ay tahay in Uulul amriga ama madaxweynaha ama Dowlada mar kasta la taageero.

“aniga waxa wararkaasi suuqa ii geliyay waxay ahaayeen qolooyinka social media ee wararka jar jara kuwaasoo soo ururshay kaliya dhaliilaha aan jeedin jirey, mana jirto dowlad aan dhaliil lahayn”ayuu yiri Shiikh Usuuli.

Wareysiga Shiikha oo dhowr meel taabanayay halkaani hoose ka daawo muqaal aan ka soo xiganay Universal TV:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here