Militariga Israa’iil ayaa sii wada weerarada ay ku hayaan guryaha maxaabiista Falastiiniyiinta ee lagu wado in la sii daayo.

Sida aan wararkeena hore ku sheegnay militariga Israa’iil ayaa xalay guud ahaan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed ka wada guryaha ay degan yihiin dadka Falastiiniyiinta ah oo lagu wado in la sii daayo, taasoo qayb ka ah maxaabiistii shanaad ee Israel iyo Xamaas ay is dhaafsadaan.

Advertisement

Xarunta Warfaafinta ee Falastiiniyiinta ayaa hadda ku warameysa in guryaha qoyska shan maxbuus falastiiniyiin ah oo saaka lagu waday in la sii daayo in sidoo kale la weeraray tuulada Deir Nidham, oo waqooyi galbeed kaga beegan Ramallah.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale “daraasiin” Falastiiniyiin ah ku xiray magaalada Qalqilya habeenkii Jimcaha, sida laga soo xigtay isla goobta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here