Wasiirka Difaaca Somalia C/qaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay dagaalada ka socda qaar ka mida Gobolada Dalka kuwaasoo ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Wasiirka qoraal uu arintaan ka hadlayo ayaa sidaan u qornaa:-

Advertisement

Hiiraan, Bari, Shabeelada hoose, Shabeelada dhexe, Galgaduud iyo guud ahaan gobalada dalka waxaa ka socdo dagaalo laysaga dulqaadaato Khawaarijta dalka ku soo duushey oo ay ugu horeeyaan Alqacida (Shabaab) iyo Daacish.

Waxaa dagaalkaan Shacabka iyo Ciidankaba ku hogaaminaaya Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii la doortey ilaa iyo hadda dhawaqa maarta aan marnaba laga joojinin Khawaarijta.

Waxaa intaas dheer magaca iyo maamuuska dalka in la soo celiyey, oo Caasimadeeni waa dhismeysaa oo waxaa lagu tartamaayaa daaraha teydaa u dheer.

Suaasha ay tahay in Shacabka is weydiiyaan caayda iyo aflagaadada marka laga tago, Xassan hortiis Shabaab iyo Daacish sey ahaayeen? Caasimadda iyo magaalooyinka waaweyn amnigooda suu ahaa maxaa harumarka hadda socda hortaagnaa? Jawaabaha Shabaka ayaa la rabaa iney raadiyaan.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here