=XIGASHO BBC SOMALI=
Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, oo socdaal ku maraya gobolka Waqooyi-Bari kenya ayaa lugtiisii ugu dambeysay ku jooga magaalada Gaarisa, halkaasi oo uu ka daah-furay mashaariic kala duwan.
Ruto oo horrey u soo maray Mandheera iyo Wajeer ayaa Gaarissa mashaariicda uu ka daah-furayo waxaa ka mid ah inuu dib u howl galiyo xafiska socdaalka oo muddo u xirnaa caqabado jira awgood, dadkuna ay dhib badan ku qabeen helidda baasaboorka.
Bulshada gobolka ayaa baasaboorka u aadi jirtay magaalad Nairobi, taasi aad uga fog gobolka.
Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo shalay uu magaalada Wajeer ka sheegay Ruto in xukuumadiisu ay joojin doonto baaritaanka lagu sameeyo dadka doonaya inay qaataan kaarka aqoonsiga muwaadinnimada Kenya.
Nidaamka baaritaanka dadka dalbanaya kaarka muwaadinnimada Kenya ayaa jirtay muddo 60 sano gaaraysa, arrintaasoo Soomaalida Kenya iyo xildhibaannada ay aad u dhaliili jireen, ayagoo doonayey in wax laga beddelo.
Madaxweyne Ruuto oo fagaare ku yaalla Gaarisa kula hadlayay kumanaan qof oo halkaasi isugu soo baxay ayaa u sheegay in wixii hadda ka dambeeya aaney Niarobi u aadi doonin baasaboorka oo ay deegaankooda ka qaadan karaan.
“Xafiiskii bixinta baasaboorka ee halkan ku yaallay ee u xirnaa caqabado jira awgood aniga, maanta waxaan dib u furayaa xafiiskaas baasaboorka, mana jiri doonto sabab aad baaaboor ugu raadsataan Nairobi, ee halkan ayaad ka heli doontaan baasabooradiina,”. Dadka doonaya inay aadaan Xajka oo ay soo xajiyaan, halkan ayaad baasabooradiina ka qaadan doontaan,” ayuu yiri Ruto.
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto xoolaha, isaoo sheegay in Gaarisa ay ka mid tahay meelaha ugu xoolaha badan marka la eego deegaannada kale ee dalka.
Sidoo kale waxa uu sheegay Ruto in Gaarisa kamid tahay magaalooyinka Kenya ee leh lo’ada ugu badan dalka, “waa magaalada labaad ee ugu lo’ada badan marka laga yimaado Turkana oo kaalinta koowaad ku jirta”, waxaana ku xigta Gaarisa.
“Waagi hore lacagta dowladda waxaan ku maal gelin jirnay caleenta shaaha, kafeega, galeyda iyo sonkorta, balse sanadkan waxaan sidoo kale lacagaha dowladda ku maalgelin doonaa lo’ada iyo xoolaheena kale, waana sababta aan u iri, lacgtii aad ku isticmaali jirteen tallaalka xoolaha, dowladda ayaa haatan idinka bixin doonta lacagahaas,” ayuu yiri madaxweyne Ruto.
Dadweynaha gobolka ayaa soo dhaweyay mashaarciida kala duwan ee madaxweynuhu uu ka daah-furay magaalooyinka si gaar ah dib u furista xafiiska socdaalka, kaasoo ay ku tilmaameen tallaabo muhiim u ah bulshada oo markii hore dhibaato ku qabay safarka dheer ee ay u geli jiraan qaadashada baasaboorka
“Haddii aan nahay reer Gaarisa,maanta aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay tallaabada madaxweynuhu uu qaaday ee uu noogu fududeeyay baasaboorkii lagu dhib qabay oo loo aadayay Nairobi,” ayuu yiri Siyaad Maxamed Maxamuud oo ah madaxa dhalinyarada Gaarisa.
Siyaad ayaa intaasi ku daray,: “Markii hore aad iyo aad ayaa loogu dhib qabay, safarka la sii galayo ee la soo galayo,”
“Dhibaato saaid ah ayaa lagu qabay sababtoo ah waxaa jira dad aan haysan gaari raaca oo aan aadi karin ilaa Nairobi, dad waxaa jira haysta ilmo yaryar oo aan safar aadi karin,” ayay tiri haweeney reer Gaarisa ah oo BBC-da la hadashay. Waxay intaa ku drtay,: “baasaboorka waad soo doonanaysaa, soo noqo ayaa lagu dhahayaa taariikh ayaa laguu qabanayaa, intaas bari ayaa soo noqnoqo lagu leeyahay, dhibkeeday leedahay dadka lacag ma heli karaan,”.
Inta badan dadka gobolka ayaa u arka in tallaabadaan in ay meesha ka saari doonto dhibaatooyinkii ka haystay helidda baasaboorka oo ay u geli jireen safar, qarasha badanna uu kaga bixi jiray, iyadoo xitaa laga yaabo in mararka qaar aanu qofku soo helin oo dib loo ballamiyo.
“Wallaahi in Nairobi loo aado dhibaato badan-baan ku qabnay oo dadka qaar iyagoon lacag haysan, waad iska garan kartaa dadkii iyagoo iska tabaryar iyo qarashkii, marka waa dareemi kartaa dhibaatada aad kala kulmayso, laakin hadda wuu noo fududeyay madaxwynuhu,” ayay tiri Kaltuumo Cabdisalaan oo iyaduna BBC-da la hadashay.
Madaxweynaha Kenya iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay caawa ku hoydaan magaalada Gaarisa, isagoo la kulmi doona qaybaha kala duwan ee bulshada.
=XIGASHO BBC SOMALI=