Siyaasiga Thaabit Cabdi Maxamed oo waqtigii farmaajo soo noqday Duqa Muqdisho ayaa fariin uu baraha bulshada soo dhigay wuxuu kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.
Siyaasigaan ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu ka hadlo dagaalka Daacish islamarkaana ahmiyad gaara siiyo.
Advertisement
” fadlan ummadda iyo caalamkaba la hadal oo ahmiyad gaar ah sii dagaalkan xaqa ah oo ay Puntland” ayuu yiri Thabit Abdi.
Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka duqii hore ee Muqdisho oo sidiisa u qoran:-
Guuleysta shacabka, ciidamada iyo dowladda Puntland dagaalka xaqa ah oo aaad kula jirtaan argagixisada Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buurraha, waliba ajaanib badan ay ku jiraan.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa inay si ficil ah u garab istaagaan Puntland; dhaqaale, gurmad lixaad leh iyo baaq caalamiya u diraan adduunka.
Madaxweyne Xassanow inaad daahday waxaa ka darnaan doonta inaadan soo socon, ee fadlan ummadda iyo caalamkaba la hadal oo ahmiyad gaar ah sii dagaalkan xaqa ah oo ay Puntland kula jirto argagisada caalamiga ee Daacish.
Advertisement