Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay inuu doonayo in xaaladaha colaadeed ee Sool iyo Sanaag lagu xalliyo waddo nabadeed, isla markaana uu difaaci doono deegaanada haddii colaadi timaado.

Madaxweynaha oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ku booriyay inay nabadda ka shaqeeyaan, isla markaana khilaafaadka jira lagu xalliyo dariiq nabadeed, isaga oo sheegay in haddii nabad la waayo, awood millateri miiska saaran tahay.

Advertisement

“Qorshahayagu waa nabad, midnimo, waxqabad, wadajir, iyo horumarka ummadda. Waa inaan gudanno waajibaadka ay shacabka noo dhiibteen,” ayuu yidhi Cirro. “Dhibaatada ka jirta Sool bari iyo Sanaag, xukuumaddu waxay u aragtaa in nabad lagu xalliyo, laakiin waajibaadkeeda kama tagi doonto, waana inay difaacdo shacabka.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay baaqii nabadeed ee uu soo jeediyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, iyo dadaallada nabadeed ee ay wadaan salaadiinta ka timid Dawlad Deegaanka Soomaalida.

“Waxaan soo dhaweynayaa baaqa nabadeed ee Puntland ee ah in Sanaag nabad lagu mideeyo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa ergada nabadda,” ayuu yidhi Cirro.

Xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa marar badan sheegtay inay rabto in colaadda ka taagan Sool iyo Sanaag lagu xalliyo si nabadeed, iyada oo dhawaan uu madaxweynuhu magacaabay guddi aqoonyahanno ah oo ka shaqayn doona nabadda.

Xukuumaddu waxay sidoo kale qaaday tallaabooyin lagu xasillinayo magaalada Ceerigaabo, iyadoo laga saaray ciidamadii madaniga ahaa, isla markaana loogu baaqay dadkii qaxay inay dib u soo laabtaan. Si kastaba ha ahaatee, Sool iyo Sanaag waxaa weli isku hor fadhiya ciidamada SSC-Khaatumo, kuwa Somaliland, iyo maleeshiyo beeleedyo, taasoo laga cabsi qabo inay keento colaad hor leh.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here