Muqdisho, 05 Feb 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax dhigay dhismaha waddada laami yaraha Soobe ee Degmada Wadajir.

Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay doorka iskaashi oo ay Bulshada iyo Maamulka Degmada Wadajir ku dhisayaan waddadaan oo muhiim u ah isku socodka Bulshada, asigoona xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu kaalin weyn ka qaadan doonno dhismahaan si loo horumariyo kaabayaasha isku socodka bulshada.

Advertisement

Munaasabadda dhagax dhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Agaasimeyaal, Ganacsato, Odayasha dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here