Shirweynaha 7-aad ee xeer ilaaliyayaasha Soomaaliyeed, kaasoo sanadkan diiradda lagu saarayo mowduuca muhiimka ah ee La Dagaalka Maalgelinta iyo Ilaha Dhaqaalaha Argagixisada.
Shirkan waxaa ka qeyb galaya madax sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, xeer ilaaliyeyaasha heer Federal iyo heer dowlad goboleed, iyo wakiillo ka socda hay’adaha amniga.
Waxa shirkan diiradda lagu saari doonaa doodo iyo cilmi baaris muhiim ah oo ku saabsan xoojinta shuruucda, iskaashiga hay’adaha amniga, iyo sidii loo ciribtiri lahaa ilaha dhaqaale ee taageera kooxaha argagixisada.
Shirweynahan ayaa la filayaa inuu ka soo baxo go’aanno muhiim ah oo wax ku ool u ah la dagaalka maalgelinta argagixisada, taasoo qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Advertisement