Dowladda Kenya ayaa qorshaynaysa in odayaal dhaqan loo diro si ay uga wada xaajoodaan Shabaab sii deynta shan guddoomiye Xaafadeed oo laga afduubtay Isniintii Magaalada Mandera, oo ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay sarkaal xog-ogaal u ah howlgalka, mas’uuliyiinta Kenya ayaa go’aansaday inay odayaasha diraan si loo helo nabad ku soo celinta masuuliyiinta la qafaashay.
“Illaa iyo inta aan la dilin, taas oo aan dhici doonin, waa in odayaal la diro si ay ula xaajoodaan dhiggooda Shabaab si loo sii daayo maamulka la afduubtay,” ayuu yiri sarkaalkaasi.
Mas’uuliyiintu waxay rumeysan yihiin in guddoomiyeyaasha ay afduubteen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo horey uga geystay weerarro iyo afduubyo ka dhacay xadka.
Sida ay sheegeen booliska iyo goobjoogayaal, shanta guddoomiye ayaa ku safrayay gaari xilli ay kusii jeedeen magaalada Ceelwaaq, balse waxaa jidka u galay dabley hubeysan oo ku qabsaday inta u dhaxaysa Bamba Owla iyo Ires Suki.
Falkaan ayaa dhacay maalmo ka hor inta uusan madaxweynaha Kenya, William Ruto, booqan gobollada Mandera, Garissa, iyo Wajeer si uu diiradda u saaro arrimaha horumarinta gobolka iyo wada-hadallada bulshada.