Ciidamada Difaaca Puntland ayaa saaka dagaal dhowr jiho ah ku qaaday buuraleyda Tog-Jaceel ee Calmiskaad, halkaas oo xalay laga maqlay duqaymo xooggan.

Shalay halkaasi waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray Ciidamada Difaaca Puntland iyo kooxda IS, kaas oo la isku adeegsaday hub culus.

Advertisement

Dagaalka saaka billowday ayaa ah mid sii xoojiyay howlgalka ay Puntland ka waddo gobolka Bari.

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in dagaalku weli socdo, iyadoo la maqlayo jug culus iyo rasaas xooggan.

Goobta uu dagaalka ka socdo ayaa lagu sheegay in ay tahay meelaha ugu adag maadaama ay tahay buuro iyo qarar ah.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here