BAARDHEERE (DAYNIILE.COM)-Wararka saaka laga helaayo Magaalada Baardheere ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya inuu saaka halkaasi ka bilowday Dagaal u dhexeeya ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa maamulka Jubaland.

Ma jirto wax faah-faahin ah oo ka soo baxaya madaama dagaalku cusub yahay balse warar horu dhac ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba.

Advertisement

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Jubland ay la wareegeen saldhigga Booliiska iyo Xarunta degmada Baardheere.

Ciidamada Dowlada ayaa iyagana la soo sheegaya inay diaac ka jiraan xarunta degmada xili dagaalku socdo.

Isbatoore Aadan Sheekh Cali oo ka tirsan ciidamada Xoogga ayaa u sheegay idaacada shabelle inay iyagu saaka weerarka qaadeen islamarkaana magaalada guud ahaan ay la wareegeen.

“iyagaa shalay nagu soo duulay oo xarumo Dowladeed qabsaday balse saaka ayaan kala wareegnay kooxaaha maamulka Jublanad oo la midka ah khawaarijta”ayuu yiri isbatoore Aadan

Wixii  faah-faahin ah wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here