Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada ayaa qoraal uu baraha bulshada ku shaaciyay wuxuu ugu soo jeediyay xildhibaanada inay talaabo qaadaan oo xilka ka qaadaan Ra’iisulwasaare Xamze si dalka loo bad-aabiyo sida uu warka u dhigay.
 “Si looga hortago burbur buuxa, waa in Baarlamaanku  talaabo qaadaa oo kalsoonida kala noqdaa Xukuumada Xamza, Ra’iisul Wasaaraha cusubna uu uu joojiyaa boobka dhulka dowladda iyo barakicinta shacabka” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur.
Hadadba halkaan ka akhriso qoraalka Xildhibaanka oo sidiisa u qoran:-
Xaaladda dalka waa ka sii deraysaa maalinba maalinka ka danbeeya. Shacabka waa u caddahay in halhayska doorasho qof iyo cod ah uu yahay hadal xaq ah, laakiin muddo kororsi loola jeedo. Tani waa isku day sii fogaynaya mucaaradka iyo maamullada horay u diiday muddo kororsiga.
Dhanka kale, waxaa xaaladda sii murjinaya cadaadiska shacabka lagu hayo ee ku dhow kacdoon, kaasoo ka dhashay barakicinta danyarta, xaraashka dhulalka danta guud, canshuuro iyo lacagaha baadda ah ee maalin kasta lasoo rogayo.
Si looga hortago burbur buuxa, waxaa muhiim ah in Baarlamaanka uu tallaabo qaado oo kalsoonida kala noqdo xukuumadda. Ra’iisul Wasaaraha cusubna uu sanadka harsan joojiyo barakicinta, baadda iyo boobka dhulka dowladda, lana xaajoodo mucaaradka iyo maamul goboleedyada, si loogu heshiiyo doorasho isku dhaf ah oo ku dhisan nidaamka awood qaybsiga 4.5 iyo codbixin toos ah.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here