WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay cadeysay qorshihiisa xoog u sheegashada reer Gaza xili uu garabkiisa taagnaa Ra’iisulwasaaraha Yuhuuda Natenyahu isagoo ku dhawaaqay inay Gaza ka dhiganayaan meel reer galbeedku ku dalxiiso.
Trump wuxuu si cad ugu dhawaaqay in dadka GAZA uu u haayo kaliya hal dooq oo ah inay isaga baxaan magaaladaasi xili uu hore shaaciyay in qaxooti ay ku noqon doonaan dalalka Masar iyo Joordan.
Madaxweynaha Mareykanka wuxuu Sidoo kale sheegay in Masar iyo Jordan uu u haayo hal dooq kaliya oo ah inay aqbalaan qaabilaada Qaxootiga Falastiinitiinta.
Talaabada Trump waxay dunida u horseedi kartaa isu xoog sheegasho iyo inuu meesha ka baxayo nidaamkii dunida lagu kala amaan heli jirey Qaramada Midoobe hormuudka u ahayd.
Madaxweynaha Mareykanka waxaa hadaladiisa xalay ku jirtay inay la wareegi doonaan lahaanshaha Gaza kadib marka ay ku guuleystaan inay raraan shacabka lana dejiyo dalalka deriska la aha ee Masar & Jordan.
Dhulka marinka Gaza ayuu xusay in laga hirgelinayo qorshe dib-u-habeyn ah oo suurto gal ka dhigi kara in goobtaas ay noqoto Xeebta dalxiiska Bariga Dhexe.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement