Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Masar, iyagoo ka wada hadlay sidii ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen dhinacyada tababarada,isdhaafsiga khibradaha iyo hannaanka casriyeynta garsoorka.
Kulanka ayaa waxaa ku wehliyay guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir, guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hey’adaha Garsoorka dalka.
Guddoomiye Baashe, ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo Masar uu ka dhaxeeyo xidhiidh qotodheer iyo iskaashi soo jireena ah, sidaa awgeed ay ka go’antahay sidii ay iskaga-kaashan lahaayeen horumarinta iyo nidaamka danabaysan ee garsoorka labada dhinac, iyadoo si joogto ah isku dhaafsan doonno tababarada iyo khibradaha.
Dhankooda Saraakiisha Hay’adaha Garsoorka Masar ka socday, ayaa ka mahadnaqay soo dhawaynta qiimaha badan ee loo sameeyey intii ay dalka ku sugnaayeen, iyagoo qiray in hay’adaha garsoorka Soomaaliya ay sameeyeen horumar la taaban karo, islamarkaana ay dhankooda diyaar u yihiin in si dhaw laba dhinac uga wada shaqeeyaan horumarinta iyo casriyeynta caddaaladda iyo garsoorka labada dal.May be an image of 2 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 2 people and text that says "de"May be an image of 3 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and text that says "西 AI"May be an image of 1 personMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 8 peopleMay be an image of 8 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here