No photo description available.
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu kaga hadlay isbadalada horumareed ee dalku ku tiigsaday.
Sidoo kale Wasiir Fiqi wuxuu ka hadlay siyaasiyiin uu sheegay inay wali u hanqal taatagayaan wax xun sheegnimo.
“Luqaddii maalmihii madoobaa ee siyaasiyiinta qaarkood afkoodu bartay wax Laga soo gudbay waxayna la mid tahay adoo qo dhintay la hadashay” ayuu yiri Wasiir Fiqi
Haddaba halkaan ka akhriso qoraalka Wasiirka oo sidiisa u qoran:-
Dalku in uu ka soo baxayo mugdigii, maalmihii madoobaa iyo dhismayaashii raadka rasaasta iyo dagaaladu ay ku sawirnaayeen, waxaa daliil u ah mashaariicda waaweyn ee bilihii la soo dhaafay madaxda dalku ay dhagax-dhigeen,uuna ugu dambeeyey kan maanta Guddoomiyaha gobolka Banaadir uu dhagax dhigey ee “BEERTA UMADDA”.
Horumarka dalku uu ku tallaabsanayo asaga ayaa is-sheegaya, is-fasiraya isla markaana banaanka is-keenaya, waxaana beertii dhiigga inoo bedelaya beerta umadda.!
Luqaddii maalmihii madoobaa ee gow iyo gish ma leh iyo midda siyaasiyiinta qaarkood afkoodu bartay ee balaayo sheegga un ah waa wax Laga soo gudbay oo waqtigeedii dhabarka jeediyey, naf badanna aan laga raadin karin, ciddii wadadaas aadana ay la mid noqonayso kuwo naf ka raadiyey qabuuraha ama la hadlaya dad mar hore dhintay!
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here