Diyaarada Kenya Airways (KQ) ayaa saacado ka hor hawada ka saartay muuqaal baraha bulshada si xoog leh u qabsaday oo muujinayay iska horimaad dhexmaray shaqaalaha diyaaradda iyo qof rakaab.
Muuqaalka oo ay duubtay haweeney rakaabka aheyd ayaa muujinaya in labada nin oo howl-wadeenada diyaaradda kamid ah iyo ayadu ay isweydaarsadeen erayo kulul, iyadoo mid kamida labadaas nin oo haweeneyda ku oranayo “waxba kuma siinayno, mar dambena kuma duuli doontid Kenya Airways”.
Arrintan ayay si carra leh uga falceliyeen kumannaan qof oo dadka baraha bulshada adeegsada kamid ah, taas oo ugu dambeyn keentay in diyaaraddu ay hawada ka saarto muuqaalkaas.
Qancinta macaamiisha ayaa ahmiyad gaar ah u leh shirkadaha waaweyn ee caalamka, balse diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Kenya Airways ayaa wajahaya fadeexado ka dhashay falal anshax-xumo ah oo shaqaalahooda ay rakaabka u gaysteen, bilo ka hor ayayna ahayd markii maamulka garoonka Muqdisho ay Kenya Airways ku qabsadeen xadgudub ay kula kacday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku safrayay.