BEIJING (DAYNIILE.COM)-Dowlada Shiinaha ayaa markii ugu horeysay ka hadashay war dhawaan ka soo baxay Mareykanka kaasoo uu ku shaaciyay inay canshuraha ku kordhinayaan dalal ay ka mid yihiin Shiinaha ,Mexico iyo Canada xili maalmihii ugu dambeeyay shiinuhu ka aamunsnaa.

Wasaaradda Ganacsiga ee Dowlada  Shiinaha ayaa sheegtay in ay rajaynayso in dhinaca Maraykanku uu si dhab ah oo caqli gal ah u eegi doono talaabada ay qaadeen.

Advertisement

Shiinaha waxay xuseen in ay dacwad u gudbin doonaan Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) oo ay qaadi doonaan tillaabooyin u dhigma si ay si adag u ilaaliso xuquuqdeeda iyo danaheeda.

Wasaarada Ganacsgu waxay sheegtay in canshuuraha la soo jeediyay ee Mareykanka ay si dhab ah u jabinayaan shuruucda Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO.

Inkastoo Shiinuhu sharaxaad ka bixin talaabooyinka ay sheegeen inay qaadayaan hadana waxay muujiyeen inay si adag u difaaci doonaanxuquuqdooda ganacsi ee dunida.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here