Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aamo lagu xoojinayo nabadgelyada magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag.

Wafdi ka kooban xubno ka tirsan goleyaasha sharci-dejinta, oo loo xilsaaray xasilinta Ceerigaabo, ayaa go’aamiyey in ammaanka magaalada ay sugayaan oo kaliya ciidamada booliska, dhammaan ciidamada madaniga ahna laga saaro magaalada.

Advertisement

“Wafdigii arrintan u xil saarnaa waxa uu go’aamiyey in laga bilaabo maanta aan magaalada lagu arki karin cid aan ciidan ahayn oo qori ku dhex sidata. Cid kasta oo lagu arko hub sharci-darro ahna waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay wafdiga.

Sidoo kale, wafdigu waxa uu ugu baaqay dadkii ka qaxay magaalada inay dib ugu soo laabtaan, iyaga oo xusay in magaalada hadda ay nabad tahay, islamarkaana aanay jirin sabab ay uga maqnaadaan guryahooda.

Dhinaca kale, wafdigu waxa uu shacabka Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo nabadgelyada deegaanka.

Xaaladda nabadgelyo ee Ceerigaabo ayaa gashay xaalad hubanti la’aan ah kaddib markii dagaal uu magaalada ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo kaasi oo sababay barakaca dad lagu qiyaasay 45 kun oo qof.

Sidoo kale, waxaa jira cabsi laga qabo in dagaallo kale ay dib uga qarxaan gobolka, maadaama dhowaan qaar kamid ah beelaha dega gobollada Sanaag iyo Sool ay ku baaqeen colaad hor leh. Dhanka kale, hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa isaguna ku hanjabay in Ceerigaabo la hoos keeni doono maamulkiisa.

Gobolka Sanaag waxa ku wada sugan millateriga Somaliland, iyo ciidamo beeleed taageeraya, iyo ciidamada SSC Khaatumo, iyo ciidamo beeleed la socda. Madaxweynaha Somaliland ayaa dhankiisa sheegay in uu rabo in xiisada lagu dhameeyo wadahadal, dhanka kalena uu diyaar u yahay difaaca Somaliland hadii dagaal dhaco.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here