MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta Wasaarada ku qaabilay ku-simaha ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.
Wasiirka oo bartiisa baraha bulshada soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo kulankaan ayaa sheegay inay ka wada hadleen isaga iyo James Swan howlgallada ka dhanka ah Alshabab iyo doorka AUSSOM ee nabadda iyo amniga Soomaaliya
“Waxaan uga mahad celiyey doorka saaxiibada Soomaaliya ka ciyaaraan sare u qaadida tayada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka
Sidoo kale Wasiir C/qaadir wuxuu sheegay inuu Danjiraha la wadaagay sida ay xukuumadda Dan-Qaran ay uga go’an tahay xaqiijinta amniga Soomaaliya iyo kan gobolka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement