MANDERA (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay

shan madax-xaafadeed (chiefs) kuwaasoo ka howlgala Magaalada Mandhere ee Gobolka Waqooyi Bari Somalia balse Kenyaanku maamulaan.

Advertisement

Dabley looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa afduubtay shan madax-xaafadeed (chiefs)

Masuuliyiintaan ayaa markii Alshabaabku qabsanayeen waxay ku socdaalayeen inta u dhaxaysa Ceelwaaq iyo Mandheera.

Mashaariic Dowlada Kenya ay deegaanadaasi ka fulisay ayay kormeerayeen masuuliyiintaan balse waxaa dhexda u galay Alshabaab.

Taliyaha ciidanka booliska Ismaamulka Mandheera, Mudane Julius Njeru ayaa ka hadlay afduubkan, wuxuu ugu horeyn xaqiijiyay  inuu jiro afduubka.

“xubnaha  la kaxaystay waxay ka soo  socdaaleen deegaanka Ceel-Gaduud, waxay ku sii jeedeen magaalada Ceelwaaq “ayuu yriri  sida uu sheegay Taliye Njeru.

Dhanka kale waxaa dhaq dhaqaaq wada ciidamada Mandera kuwaasoo baadi-goob ugu jira halka lagu heysto masuuliyiinta si ay u soo badbaadiyaan

Alshabaab latigooda ayaa la sheegay inay sheegteen aduubka inay iyaga ka dambeeyaan inkastoo aysan aah-aahin sii bixin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here