Waxaa nasiib darro ah in siyaasadii dalka lagu jaangooyay maslaxado gaar ah oo hadii la waayo ay aflagaado kuxigto dalka waxaa loo doortay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud dastuurka dalkana wuxuu awood usiinayaa in qorshayaashii dib u doorashadisa ku balan qaaday uu fuliyo waxaana ugu horeysay in dastuurka dalka ladhameystiro doorasho qof iyo codna dalka kadhacdo labadii qodob oo ugu muhimsanaa maanta waxay marayaan meel gabagaba ah.

Advertisement

Dalka wuxuu kujiraa gacan aamin ah waxaa madax ka ah Madaxweyne 40 kii sano laso dhaafay dalka aan meelna ka aadin laba marna soo hogaamiyay dalka mana loo baqaayo maanta maalin uu ka fiicanyahayna masoo marin, dalka wuxuu ka guuray mugdigii mudada dheer uu kujiray wuxuuna u guuray iftiinka caalamka kasocda ee dimuqraadiyada, Senator Abdi Qeybdiid waxaa leeyahay wixii aad adiga gacantada ku ansixisay haku eedeyn qofkale intaa taqaaneyna waa dhaaftay dalkana waa ka gudbay xiligii afduubka loo heesanjiray.

Ugudanbeyn Senatorka wuxuu u soo joogey dalkaan oo aan wax nidaam ah kajirin oo dadku si sharcidaro ah loo dhacaayay loona dilaayay xoolahooda iyo xurmadoodana lagu xadgudbayay gaajo iyo macluulna ay kajirtay dalka amni darro xoogana ay hareysay, waa nasiib darro weyn in Senatorka maanta dhaho dalka iyo qaranimada ayaan ubaqay iyadoo dalka maanta uu ku tilaabsaday wadadii horumarka, barwaaqada iyo amniga una jiheestay taariikh iyo waa cusub dastuurkii mudada dheer qabyada ahaa oo ladhameystirayo iyo dadka Soomaaliyeed oo mudo 56 sano kadib ay dooranayaan hogaankii xukumi lahaa!!!

Xigasho: Radio Galcayo

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here