Waxaa muddo saacad ah buuq iyo xaalad cakirnaan ah galay rakaabka ka dhoofayay qaybta safarada dibadda ah (International Departure) ka dib markii ay saakay wasaaradda caafimaadka ay bilaawday hergelinta qaadashada talaalka.

Koox caafimaad oo jooga garoonka ayaa la sheegay in ay wataan talaal ay dadka siinaayaan, waxaana laga qaadaa qofka lacag dhan 45 doolar marka uu qaato talaalka.

Advertisement

Dadka qaatay talaalka xilligii doeladda dhexe waxaa laga fiirinaa garabka marka la arkaa calaamadda ah in uu qaatana waxaa laga rabaa lacag 30 doolar ah sida uu ii xaqiijiyay qof ku sugnaa gudaha

Qofka aan wadan buugga Jaalaha ah ayaana saakay laga hor istaagay in ay ka dhoofaan garoonka.

Xaaladda oo noqotay buuq iyo mashquul badan ayaa la sheegay in markii dambe la amray in la fasaxo oo laga hor leexdo rikaabka

Qaadashada talaalka waxaa markii hore la filaayay mid ku gaar ah xujayda iyo cumrada dadka u socda maadaama uu jiray habraac ay soo saartay dowladda Sucuudiga.

Wacye gelin la’aanta jirtay iyo amarka oo u muuqda mid degdeg ah iyo lacagaha oo ah mid badan ayaana saakay sababay buuq ka jiray

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here