Saraakiil katirsan Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in aan la xaqiijin karin in hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumin uu ku dhintay duqeyntii lagu beegsaday meelaha ay Daacish kaga sugan yihiin buuraha Calmiskaad.
Mas’uuliyiin Mareykan ah oo la hadlay warbaahinta caalamka ayaa sheegay in aan la hubin haddii Muumin uu ka mid ahaa kuwa lagu dilay duqeynta ama haddii uu markaas ku sugnaa meel kale.
Duqeynta Mareykanka, oo uu amray madaxweyne Donald Trump, ayay Puntland sheegtay in lagu qaarijiyay 48 dagaalyahan oo ka tirsanaa Daacish, oo ay ku jiraan shan sarkaal iyo 12 ajnabi ah.
Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, Jeneraal Aadan Cabdi Xaashi, ayaa xaqiijiyay in duqeymuhu si sax ah u garaaceen ugu yaraan 10 goobood, oo intooda badan ay ahaayeen godad ay dagaalyahanada Daacish ku dhuuman jireen.
“Duqeymuhu waxay u dhaceen sidii loo qorsheeyay, dhammaan goobihii la beegsadayna waa lagu guuleystay,” ayuu yiri Jeneraal Xaashi.
Howlgalkan ayaa noqonaya mid ka mid ah weeraradii ugu waaweynaa ee lala eegto kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya, taasoo dhabar jab weyn ku ah joogitaankooda buuraha Calmiskaad.