Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa beenisay warbixin uu soo saaray Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), oo lagu sheegay in duqeymo ka dhan ah kooxda Daacish laga fuliyay Buuraha Golis.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in duqeymuhu ay ka dhaceen Buuraha Galgala ee Puntland, isla markaana Buuraha Golis ay ku yaallaan Somaliland.

Advertisement

“Sida ka duwan warbixinta AFRICOM, duqeymuhu kama dhicin Buuraha Golis ee Somaliland, balse waxay ka dhaceen Buuraha Galgala ee Puntland, Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalku waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay tahay qaran madaxbannaan oo leh dowlad si dimoqraadi ah loo soo doortay iyo xuduudo si cad u qeexan, taasoo ay dowladda Maraykanku si buuxda u garawsan tahay.

Dhanka kale, Somaliland waxay xoojisay go’aankeeda ku aaddan la dagaallanka argagixisada, iyada oo sheegtay in ay la shaqaynayso beesha caalamka iyo Maraykanka si loo xoojiyo nabadda Geeska Afrika.

“Waxaan qiimeyn weyn u haynaa iskaashiga adag ee naga dhexeeya Maraykanka iyo dowladaha kale ee beesha caalamka, waxaanan sii xoojin doonnaa xidhiidhkaas,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan sheegtay inay taageero dhanka cirka ah siinayso ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here