MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka Caawa laga helaayo Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Miino ay ku qaraxday koox loo maleynayo inay Alshabaab ka tirsan yihiin.

Mid ka mida ayaa u dhintay qaraxaasi halka mid kalana uu dhaawacmay.

Advertisement

Kooxdaan ayaa la sheegay inay farsameynayeen miinada xiliga ay ku qarxaysay waxayna ka koobnaayeen 5 ruux.

Markii uu qaraxa dhacay ciidamada Dowlada ayaa degdeg goobta ku soo gaaray waxaana u suuragashay inay qabtaan mid ka mida kaasoo ahaa midka dhaawaca uu soo gaaray.

Sedex ka mida kooxahaasi ayaa moto ku baxsatay halka midka shanaadna uu yahay kan geeriyooday ee miinadu dishay.

Ninka dhaawaca ah ee la qabtay ayaa laga soo xigtay inay kooxdaani diyaarinayeen niino balse ay iyaga ku qaraxday.

Saraakiisha Hay’adaha amaanka iyo Maamulka Degmada Dayniile ayaa la filayaa inah faah-faahino dheeraad ah siiyaan saxaafada beri subax.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here