ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ugu hambalyeeyay in mar labaad loo doortey hogaamiyaha xisbiga Barwaaqo.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa si weyn ugu amaanay Abiy Axmed siyaasada uu dalkaasi ku maamulo taasoo uu sheegay inay dhaxalsiisay in mar labaad xisbiga loo doorto.
“tani ayaa muujineyso taageerada baaxada leh ee shacabka Itoobiya u hayaan aragtida iyo hogaaminta Abiy Ahmed”ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geele.
Dadka siyaasadiisa dhaliila Abiye Axmed ayaa dhankooda sheegeen in Ra’iisulwasaaruhu isku duba riday dib u doorashadiisa oo aanay jirin tartan adag oo uu la galay xubnaha xisbiga.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement