Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Ciidamada badan ee ka socda Midowga Afrika la dhimayo laguna soo reebayo howlgalka AUSSOM Ciidan kooban oo la shaqeeya kuwa Dowladda.

Xamsa ayaa bogaadiyay ciidamada Dowladda Federaalka maadaama uu sheegay in ay u diyaargaroobeen buuxinta doorkooda ku aaddan in ay dusha saartaan mas’uuliyadda la wareegista xeryaha ciidanka Afrikaanka ka baxeen.

Advertisement

Soomaaliya ayuu sheegay in ay u baahan tahay ciidamo xooggan oo ilaaliya Badda, Dhulka iyo Hawada, Xukuumadda Dan-Qaran ayuu tilmaamay in ay ka shaqeyneyso sidii xoogga u saari lahayd ka gungaarista dhismaha ciidan awood badan.

“Waddankaan waxa uu u baahan yahay in ciidankiisa Xoogga si toos ah Amnigiisa ula wareego, Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa saaran mas’uuliyad aad iyo aad u weyn, innaga oo aan cidna u daba-fadhin waxna ka rabin in aan la wareegno Amnigeenna taas ayaan u soconaa oo geedigeennu yahay” RW Xamsa Cabdi Barre.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay qorshaha adkeynta amniga iyada oo ku dhawaaqday dib u billaabista howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda deegaanno katirsan Gobollada Dalka si deegaannada ka maqan gacantooda dib loogu soo celiyo sida hadalka loo dhigay.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here