May be an image of 2 people and textWarsaxaaadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa looga hadlay duqeymo ay ka fuliyeen buuraha Gobolka Bari Somalia halkaasoo uu ka socdo dagaal u dhexeeya Maamulka Puntland iyo kooxda Daacish
Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa warkooda waxay ku shaaciyeen in iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay duqeeyeen xubno badan oo ka tirsan Argagaixisada Daacish kuwaasoo ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Gobolka Bari.
Mareykanka wuxuu warkiisa intaasi ku daray duqeymaha ay fuliyeen labo diyaaradood oo nooca miigga ee F/A-18F Super Hornet oo ka soo kacay Markabka dagaal ee USS Harry S Truman ee taagan Badweynta Hindiya.
Si kastataba Mareykanka duqeyntiisa ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ilaa iyo markii uu bilowday howlgalka ciidamada Puntland ay ku qaadeen kooxda Daacish kaasoo ay guulo waa weyna ka soo hooyeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of helicopter and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here