Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo baraha bulshada maanta ku soo gudbiyay qoraal ashtako uu uga yahay Madaxweynaha Soomaaliya ayuu si sarbeeban madaxweynaha ugu eedeeyay in Dowladiisu wado dhul boob ay ku xaraasheyso dhulkii danta guud.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa qoraalkiisa ku cadeeyay inuu dacwo kaga  madaxweynaha Soomaaliya Xassan wuxuuna u qornaa qoraalkiisu sidan:-

Advertisement

KU: Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.

KA: La taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin

Ujeedo: Dacwad Masuul la aaminay

Salaanta Islaamka kaddib,

Sidaan ognahay Madaxweynaha  Jamhuuriyadu waa ilaaliyaha danta guud. Waajibaadkiisa waxaa kamid ah inuu dhawro hantida qaranka iyo tan gaarka loo leeyahay labadaba.

Mudane Madaxweyne, waxaan ashtako ka nahay muwaadin awood buuxda leh oo ku xad gubaya hantidii qaranka:

  1. Iyadoo aanan la diyaarinin shuruucdii iibka hantida guud ee qaranka ayuu ninkaasi beecinayaa dhulalkii danta guud, isagoo ku iibinaya xaraash iyo xoolo jaban.
  2. Lacag lagu sheegay qiimaha dhulalka danta guud, iyadoo boorsoooyin lagu sido, ayaa si toos ah loogu geeyaa gurgiisa. Awoodaas lacag qabashada yaa siiyey?
  3. Xisaabiyihii Guud, iyo Hanti Dhawrihii Guud ee Qaranka labadiiba way ka aamusan yihiin, ee bal masuuliyiintaas la hadal, oo ha furaan galal fatashaad iyo baaris ah si ay warbixin uga soo diyaariyaan, oo kuugu keenaan.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here