MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ergeyga KMG ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta hoygiisa ugu tagay Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.
Warar ku dhaw dhaw kulankaan ayaa sheegaya in kulankaani si gaar ah looga hadlay arimaha doorashooyinka dalka madaama ay Dowlada iyo mucaaradka aad isugu hayaan qaabka loo qabanayo xili ay taasi sii dheertahay cabsida laga qabo in Madaxweyne Xasan Shekh la yimaado xirad muda kororsio ah sidii Madaxweynihii hore Farmaajo uu sameeyay.
Sidoo kale waxay isla soo qaadeen marxaladda guud ee dalka inkastoo ay xooga saareen arimaha doorashooyinka madaxweynaha gaar ahaan sidii waqtigeeda loogu qaban lahaa.
Nuuca doorashada ay isla soo qaadeen ayaa ah mid xor ah isla markaana loo wada dhan yahay xili mucaaradkuna dhaliilo badan u jeedinayaan madaxweyne Xassan oo raba doorasho qof iyo cod ah.
Ra’iisulwasaarihii hore wuxuu ahaa siyaasigii dalkaan bad-baadiyay xili dhamaadkii Dowladii hore ee Farmaajo markaasoo qal qal badan uu galay dalka islamarkaama dagaal uu dhexmaray Dowlada iyo mucaaradka
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement