WAXAA QOREY PROF. YAXYE CAAMIR
Shib oo dheh
Boqortooyadii weeyneed ee Mooris Afrikaankana aheyd ee Xakumi jirtay Yurub inteeda badan.
Waa lagaa qariyay, Raadkeedii inta badan waa la tirtiray.
Adigana waxaa lagaa dhigtay weel nadiif ah oo lagu shubto wixii la rabo, Bog cad oo lagu qorto wixii la rabo, ilaa lagu gaarsiiyo in aad Aamin weydo in Mooris oo ahaa dad madmadow oo Muslim ah ay Xakumi jireen yurub laga bilaabo Spain, Portugal, Talyaaniga, ingriiska ilaa Qabowga Scandinavian-ka, sida ku cad Qoraaladii badbaaday, buugaag iyo Xarumaha lagu keydiyo Taariikhda qaar.
Yurub oo aan leheyn ilbaxnimo oo Duur ku nool aheyd, Waxa ay yurub bareen ilbaxnimo, ilbaxnimadii ay bareen ayaa sababtay in Moorisiyiintii muddo dheer Xukunka iska dhaxlayay la jabiyay.
Taariikhda dhabtaa ee yurub kama badneeyn 1000 Sano marka Giriiga laga reebo, xattaa Giriiga laftiisu waxa uu wax ka bartay Faraacinadii waqooyiga Afrika.
Adiga waxaa laguugu barbaariyay in Reer yurub ay kaaga horeeyeen ilbaxnimada, laakin Hadda iyagii iyo Culumi kale ayaaba qaarkood ay ka soo fakanee in ay Adiga wax kaa barteen Xukunkaaguna uu ka fiicnaa kooda maanta.
Laguuma sheegin Saddax Cilmi oo Caalamku ka bartay Somalidii hore, iyo in Somalidu ay gumeeysan jirtay qeeybo badan oo Asiya ka mid ah sida khaliija, Hindia koofurteeda, ilaa koofurta Afrika iyo in Ciidamo Somaliya oo islaam fidinta ka qeyb galay ay ka dagaalameed Bartamaha yurub.
Waa Xaqqiiq, laakin waan ogahay in ay kugu adagtahay in aad aaminto, ileeyn horaa maskaxdaada loogu diyaariyay in ay aaminto Been loogu talagalay iyo in maskaxdaada laga caajisiyo ogaanshaha Runtaa.
Yaah.
Haddii aan sii wado Anigaadba igu soo noqonee. Aan intaa isaga ekeeyo maanta. Shib oo dheh.
Qore: Yahya Amir
Advertisement