khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya waa la xalin karaa, balse waxay u baahan tahay dadaal badan, wada-hadal dhab ah, iyo tanaasul ay sameeyaan dhinacyada isku haya. Dowladda Xasan sheekh wax horyaala wax badan oo u baahan in laga tashto maadama waxa u haray ay tahay hal sano islamarkaana waajib tahay in wax hashiis lagu yahay lagu aado doorasho haddaba sidii lagu gaari karaa hashiis wadar ogal ah.

1. Dib u heshiisiin dhab ah – Dhammaan dhinacyada siyaasadda waa inay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan si ay u helaan xal lagu wada qanacsan yahay.

Advertisement

2. Xoojinta federaalka – Xalinta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada waa muhiim si loo xasiliyo hanaanka federaalka.

3. Doorasho hufan – Haddii la helo nidaam doorasho oo xor iyo xalaal ah, khilaafyada siyaasadeed way yaraan karaan.

4. Ka fogaanshaha faragelin shisheeye – Siyaasadda Soomaaliya waxaa saameeya danaha dalal shisheeye, taasoo mararka qaar sii hurisa khilaafka. Xalka wuxuu ku jiraa madax-bannaani siyaasadeed iyo in danaha qaranka la horumariyo.

5. Xoojinta sharciga iyo hay’adaha dowliga ah – Haddii la dhiso hay’ado dowladeed oo adag oo aan qof iyo xisbi gaar ah u adeegayn, waxaa dhismi kara kalsooni ay shacabka iyo siyaasiyiintu ku qabaan nidaamka.

6. Bulshada oo laga qayb geliyo – Haddii shacabka Soomaaliyeed la siiyo door firfircoon oo ay go’aanadooda siyaasadeed xor u yihiin, waxaa fududaan karta xalinta khilaafka.

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya hadda waa mid cakiran oo ay sabab u yihiin khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka oo dhinac ah wax la isku haaya waa arrimaha doorashooyinka, iyo saameynta dibadda Si xal loo helo, waxaa lagama maarmaan ah in la qaado tallaabooyin waxtar leh oo lagu dhisayo heshiis siyaasadeed oo waara.

Villa Soomaaliya waxaa horyaala in dalka doorasha ka qabato hadii ay rabaan doorasho qof iyo cod ah waa in hashiis lawada ogolyahay oo saamileyda siyaasadda iyo maamul goboleedyada isla ogalaadan hase ahaate hadii ay dhacdo in Xasan sheekh iska indha-taro waxaa suuragal ah in markale dagaal iyo isaqab-qabsi ka aloolsanto gudaha Soomaaliya waxaana halis gali karta dowladnimada muddada laso dhisaaye

Aqriste adigoo eegaya xaaladda hadda taagan, maxay kula tahay waddada ugu fiican ee xal loo heli karo?

W/Q: Mohamed Abdullahi Mohamed (Cukaash)

E-mail :- Mcmokaash21@gmail.com

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here