Dhanka kale, Duqa mucaaradka ee Ankara, Mansur Yavas, oo isna goobta joogay si uu u taageero, ayaa ku eedeeyay dowladda Turkiga inay dalka u beddeshay “xabsi weyn oo furan.”
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa si joogta ah u beegsada suxufiyiinta, qareennada iyo wakiillada siyaasadeed ee la soo doorto, gaar ahaan tan iyo afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii.
Tusaale ahaan, Maxkamad ku taalla Istanbul ayaa Khamiistii amartay in la soo xiro wariye ka tirsan telefishin mucaarad ah, kaddib markii uu baahiyay wareysi ay mas’uuliyiintu sheegeen in lala yeeshay qofka wareysiga bixiyay, iyadoo uusan oggolaansho ka haysan – qofkaas oo ahaa isla khabiirkii ay maxkamaddu magacawday ee Imamoglu dhaleeceeyay.
Dadkii isugu soo baxay waxaa ka mid ahaa taageerayaal qaar oo xirnaa maaskaro ay ku sawiran tahay wejiga Imamoglu, halka kuwa kalena ay lulayeen boorar. Goobta waxaa ka muuqday ciidan boolis ah oo aad u tiro badan.
“Dowladda waxay isku dayaysaa inay ciriiriso fursadaha ay haystaan mucaaradka, oo ay ku jiraan suxufiyiinta, ayna ku cabsi geliso eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu yiri Fethi Kocaer, oo 71 jir ah, kaasoo haystay boor ay ku qoran tahay: “Si wadajir ah ayaan u halgami doonnaa.”
“Geesinimada iyo mowqifka adag ee Duqa Imamoglu ayaa naga caawin doona inaan midowno. Ma quusaneyno, balse waxaan sii xoojin doonnaa la dagaallanka dulmiga,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
Fevziye Yalcin, oo 57 jir ah, ayaa iyaduna sheegtay in dacwadaha ka dhanka ah Imamoglu ay yihiin kuwo aan wax macno ah samaynayn.
“Arrintaasi waxay kaliya naga dhigaysaa kuwo kasii xoog badan rabitaankeenna ah inaan la dagaalanno iyaga. Ugu dambayntii, waxaan kula xisaabtami doonnaa dowladda goobaha codbixinta,” ayay si geesinimo leh u tiri.