Ciidanka qalabka sida ee Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay dib u soo celinayaan gacan ku haynta magaalada Umm Rawaba oo ku taalla waqooyiga gobolka Kordofan, halkaas oo ay saareen ciidamada Taageerada Degdegga ah ee RSF.
Xoogagga RFS ayaa magaaladan maamulayay tan iyo May 2023, waxayna ku taallaa waddo istiraatiiji ah oo isku xirta Waqooyiga Kordofan iyo bartamaha Suudaan, waana magaalada labaad ee ugu weyn gobolka, ayadoo qiyaastii 480 kiiloomitir u jirta, koonfur-galbeedna ka xigta caasimadda Khartoum.
Advertisement
Ciidanka militariga ah ee Suudaan ayaa hormar xooggan ka samaynaya dagaalka ay kula jiraan fallaagada RFS, waxayna dib u qabsadeen dbowr magaalo oo istiraatiiji ah.
Advertisement