Dhamaan 67-da qof ee saarnaa labada diyaaradood ee isku dhacay ayaa dhintay

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Waxaa gabi ahaanba geeriyooday 67 ruux oo kala saarnaa laba diyaarad oo arbacadii iskula dhacay hawada caasimada Dalka Mareykanka ee Washingon kuwaasoo intooda badan saarnaa diyaarada rakaabka ah.

Advertisement

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya shilkaasi ayaa sheegaya in la helay sanduuqa madoow ee diyaaradahaasi doraad shilka galay, shacabka mareykanka gaar ahaana ehalada dadkii shilka ku dhintay ayaa qaba su’aalo la xiriira qaabkii ay wax u dhaceen.

Madaama sanduuqa madoow uu yahay qalab duuba dhaq-dhaqaaqa iyo xogta diyaaradaha ayaa waxaa hada Dowlada laga sugayaa inay sharaxaad ka bixiso sababta shilka keentay xili warar horu dhac ah oo soo baxaya ay sheegayaan in diyaaradahaasi oo loogu talo galay in mid kastaahi hago laba baylood hada la ogaaday inuu hal baylood kaliya kaxeynayay sida ay shaacisay warbaahinta CBS News.

Mudo bil ah ayay qabsadeen inay warbixin horu dhac ah ku soo saari doonan Guddiga qaran ee badbaadinta gaadiidka  ee Dalka Mareykanka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here