MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Muqdisho kula kulmay xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. James Swan.
“Waxaan maanta kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay sii-hayaha gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. James Swan”ayuu yiri Sheekh Shariif oo bartiisa baraha bulshada soo dhigay qoraal
Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed mar uu ka hadlayay waxa uu kala hadlay James Swan ayuu sheegay inay isla soo qaadeen
arrimo badan gaar ahaan siyaasadda, hannaanka doorashooyinka oo si weyn la isugu khilaafsanyahay.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay ka hadleen iyo sida ay lagama maarmaan u tahay doorasho heshiis lagu yahay islamarkaana haysata sharciyad sida uu warka u dhigay Xildhibaan Shariif.
Kulankaan ayaa ku soo aadaya xili mucaaradka iyo Madaxda Dowlada Somalia ay arintoodu meel xun mareyso xili ay soo dhaw dahay dhamaadka muda xileedka Dowlada iyo doorashooyinka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 2 people, dais, newsroom and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here