American Eagle flight 5342 crashes in the Potomac River near Ronald Reagan Washington National Airport, outside WashingtonWASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar aad looga hadal hayo warbaahinta dunida kuwaasoo sheegaya in shil diyaaradeed oo khatartiisa wada uu xalay ka dhacay hawada dhaw ee caasimada Mareykanka ee Washington kadib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood oo mid tahay rakaab siday 60 ruux iyo Helicopter milateriga mareykanku wateen.

Labada diyaaradood ayaa markii ay fooda is dareen waxay iskula dhaceen wabi u dhawaa dhawaa garoonka diyaaradaha Ronald Reagan ee caasimada Washington, DC halkaasoo ay ilaa saaka ka socoto howlaha samatabixinta.

Advertisement

Shilkaan diyaaradeed ayaa dhacay xilli ay diyaaradda wadday rakaabka ay u dhaweyd in ay ku dagto garoonka diyaaradaha ee Ronald Reagan ee u dhaw magaalada caasimadd ah, sidoo kale diyaarada rakaabka waxay ka soo kacday magaalada Wichita ee gobolka Kansas.

Diyaarada Milateriga ee Helicopter-ka  oo ay saarnaayeen 3 askari ayaa iyadana ka soo kacday saldhiga milatariga Mareykanka ee Fort Belvoir ee magaalada Alexandira ee gobolka Virginia.

Booliisku waxay sheegeen in hay’ado badan ay ka qaybqaateen baadigoobka iyo samata bixinta labada diyaarad ee webiga kusoo dhaay si dadka rakaabka iyo ciidamadaba loo bad-baadiyo.

Inkastoo ilaa 300 samatabixiyaasha ay u yaqaanaan Mareykanku ay ku jiraan wabiga si ay labada diyaarada dadkii saarnaa u soo helaan ayaa hadana ilaa hada war sugan aan laga helin khasaaraha dhimashada inta uu la egyahay.

Trump oo ka hadlay ayaa uga sii tacsiyeeyay ehelada dadka ay macquulka tahay inay ku dhinteen shilkaani.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here