MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Youtuber-ka caanka ah Asad Xaajiyoow ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho kadib markii shacabka reer Muqdisho uga hortageen garoonka diyaaradaha adan abdulle international Airport.
Youtuber Asad Xajiyow ayaa lagu xasuustaa in 2012-kii isagoo dhaawac laga qaaday isla garoonkaasi isagoon aan cidna aqoon kadib markii ay Alshabaab ku soo dhaawaceen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha hoose.
Advertisement
Mar uu warbaahinta la hadlayay soo dhaweyntiisa wuxuuna la ilmeeyay xusuustii dhaawiciisa iyo sida walaalihiisa soomaaliyeed u soo dhaweeyeen.
Advertisement