Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo wareysi siinayay Tv ga Qaranka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay inay asteeyeen ilaa 800 oo goobood ay doonayaan inay ka qabtaan Bisha June ee soo socota Doorashooyinka Golaha Degaanka, waxaana carabka uu ku dhuftay inta ugu badan Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ay la kulmeen.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Deganadaan waxa uu ku sheegay oo doroashada Golaha degaanka ay ka qabanayaan inay kamid yihiin Caasimadda Muqdisho, Hirshabeelle, Galmudug, Jubaland oo Gedo ay ka qabaneyso, Koofur Galbeed iyo Maamulka ku meelgaarka ah ee SSC Khaatumo.
Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday arrimaha Siyaasiyiinta ee ka qeyb qaadan kara doorashooyinkaan Golaha Degaanka, waxa uu carabka ku dhuftay Gudoomiyaha in looga baahan yahay in urur ahaan ay iska soo diiwaangeliyaan xarunta Guddiga sidoo kalana kuwii hore kaliya loo cusbooneysiin doono ay qaabkaasi uga qeyb gali doonaan balse waxaa jiri doono sharuudo iyo habraacyo uu kaga qeyb galayo Doorashada Golaha Degaanka, waxaana qeyb ka ah 10,000 Qof inuu Ururka haysan karo si uu Doorashada Golaha Degaanka uga qeyb galo.
Doorashada Golaha Degaanka Magaalada Muqdisho oo mar wax laga weydiiyay waxa uu shaaca ka qaaday in dhammaan Gobolada dhan ay hal maalin ay doorashada ka dhici doonoto 800 Goobood ee la qorsheeyay, waxaana lagu saleeyn doonaa Degmooyinka codeeyn doono Degmooyinkii 1991 wixii ka horeeyay ee Dowladii Kacaanka ay aqoonsaneyd oo gaaraya ilaa 95 Degmo balse qorshuhu yahay ilaa 65 Degmo.
Waxaan la ogeyn Doorashadaan qaabka ay uga dhici doonaan Meelaha Gudoomiyaha Guddiga uu sheegay maadama uu xoogeystay Khilaafka Dowladda iyo Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland si lamid ah Mucaaradka oo diidan in Doorashadaan laga qabto guud ahaan dalka.