Magaalada waaweyn ee dowlad goboleedka Puntland waxaa ka billowday howlgal ballaaran oo lagu qab qabanayo dadka ajaanibta ah ee ku sugan deegaanadaas, waxayna tillaabadaasi qeyb ka tahay dagaalka lagula jiro kooxda Daacish.

Kocdoon uu maamulku hormuud u yahay oo ka dhan ah ajaanibta ayaa hadda ka socda Puntland, dhowaanna waxay Wasaaradda amnigu soo saartay amarro culus oo ay dul dhigtay shisheeyaha dalalka kala duwan ka soo jeeda ee jooga deegaanadaas.

Advertisement

Muuqaallo baraha bulshada la soo galiyay ayaa muujinaya qaar kamida dadka dawarsada oo laga aruurinayo goobaha faras magaala ah, ayadoo arrintaas lala xariirinayo howlgallada amni ee ka socda gobolka Bari.

Soo-galootida ku nool Puntland ayaa isugu jira qaxooti ka soo hayaamay dalalka Yemen iyo Suuriya, iyo dad Itoobiyan ah oo isugu jira tahriibayaal doonaya inay sii gudbaan iyo qaar deegaanadaas qudhooda u soo shaqo doontay.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here