Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Cumaan, Danjire Bashiir Xasan Xaaji ayaa maanta Xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Cumaan, Dr. Maxamed Bin Saciid Al-Maamari.

Labada masuul waxeey ka wada hadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya labada Dowladood, gaar ahaan dhinacyada Arimaha diinta iyo awqaafta.

Advertisement

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay Safiirka isagoo kala hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Cumaan iyo Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimada ay leedahay is dhaafsiga khibradaha iyo waayo-aragnimada dhinacyada awqaafta iyo arrimaha diinta ee labada dal,
Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dadaalka ay Saldanada Cumaan ku bixiso horumarinta nabadda iyo wadajirka, isagoo muujiyay sida uu uga go’an yahay inuu waddankiisa ka shaqeeyo xiriir iskaashi oo dhanka dhaqanka iyo dhinacyo badan leh.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here