HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Dr. C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa saaka safarkiisii ugu horeeyey wuxuu uga baxay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.
C/raxmaan Cirro iyo wafdigiisa ayaa u safray dalka Imaaraadka Carabta Magaala madaxdiisa Dubai halkaasoo uu kula kulmi doono masuuliyiin dalkaasi ka tirsan.
Maamulka Somaliland ayaa xiriir la eh dalka Imaaraadka Carabta iyadoo la ogyahay in shirkad dalkaasi laga leeyahay hore heshiis lagula galay inay maamulaan Dekada Ber-bera ee Maamulka Somaliland.
Lama yaqaan Ujeedka rasmiga ah ee socdaalkaani C/raxman Ciiro ku tagay Imaaraadka xili ay u tahay markiisii ugu horeysay ee uu socdaal dibada ah u baxo tan iyo markii xilka madaxweynaha Somaliland loo doortay dhawaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM