QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israa’iil ayaa rasaas ku furay dad Falastiiniyiin ah oo isku dayayay in ay ku laabtaan guryahoodii oo ku yaalla waqooyiga marinka Qaza, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan hal qof, iyadoo Xamaas ay ku eedaysay Israa’iil inay dib u dhigtay dhaqangelinta heshiiska xabbad joojinta.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale rasaas ku furay dad rayid ah oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan maalintii ay ciidamadoodu ka bixi lahaayeen heshiiska xabad joojinta ah ee ay la galeen Xisbullah.

Advertisement

Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa cambaareeyay soo jeedinta Donald Trump ee ah in Falastiiniyiinta Gaza loo raro Masar iyo Urdun. Madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in laga qaaday xayiraadii madaxweynihii isaga ka horeeyay ee bambaanooyinka culus u diri jiray Israel.

Daanta Galbeed ee la haysto, askarta Israa’iil ayaa sii waday hawl-gallo ballaaran oo militeri oo ka socda gudaha iyo agagaarka magaalada Jenin, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan laba qof, oo ay ku jirto gabadh laba jir ah.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 47,283 falastiiniyiin ah waxana ku dhaawacmay 111,472 tan iyo 7-dii October 2023.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA  XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here